Nin dabley ah oo 5 qof ku dilay Mareykanka

Image

Booliska ayaa ninkaasi gacanta ku dhigay, haatanna waxa ay isku dayayaan inay go'aan ka gaaraan waxa ninkaasi ku dhaliyay inuu dadka laayo.

Ninkan hubeysan ayaa xabadd ku furay goob laga daabulo alaabaha shirkadaha Air Canada iyo Delta Airlines.

Dad goob joagayaal ah ayaa sheegay in ninkani uu amusnaa, marka uu rasaasta furayay iyadoo dadku ay isku dayayeeen in ay halkaasi ka baxsadaan. 

Ciidammada ammaanka ayaa waxaa ay rumeysan yihiin in ninka weeraraka fuliyay uu ahaa keligii, waxaana markii dambe la soo daad gureeyay rakaabkii ku xayirnaa gudaha garoonka diyaaradaha.

Ilaa iyo hadda ma kala cadda sababta ninkani uu weerarka u fuliyay iyo in uu xiriir la leeyahay urur argagixiso. 

Waxaa kale oo jiray warar ka soo baxay mid ka mid xildhibaanada Aqalka Senate-ka oo magaca ninka weerarka fuliyay ku sheegay Estaban Santiago, da'diisuna tahay 26 sano, waxaana uu intaa ku daray in ninkaasi uu watay kaarka aqoonsiga ee milateriga Mareykanka. 

Gudoomiyaha ammaanka ee halkaasina waxa uu isna dhankiisa sheegay in ninkani uu ahaa rakaab gudaha la galay qorigii uu watay, isagoo qoriga kusoo cabeystay musqusha.

BBC

Related Articles

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM