Nin dad ay caruur ku jiraan ku tooryeeyay dalka Japan

Image
Image
Image

TOKYO, Japan – Nin ayaa ku tooryeeyay ugu yaraan 16 ruux, oo ay ku jiraan caruur, meel ku dhow dibada beer lagu nasto oo taala caasimada Japan ee Tokyo, sida mas'uuliyiinta sheegeen.

Ma cadda wali waxa ka dambeeya weerarkaasi oo dhacay subaxnimadii Talaada, kaasi oo lagu waramayo in lagu dilay hal cunug iyo qof kale oo qaan-gaar ah.

Qof laga shakiyey ayaa lasoo xiray kaasoo lala xiriirinayo dhacdada, taasoo laga soo wariyay magaaladda Kawasaki, oo dhacda cirifka koonfureed ee Tokyo, sida ay sheegayso warbaahinta.

Bileyska oo ka jawaabay weerarka ayaa goobta kasoo helay laba mindi, sidda laga soo xigtay saxaafadda maxaliga ah.

Shaqsiga la tuhunsan yahay ayaa qudhiisa iska mindiyeeyay garabka kahor inta aanan lasoo xirin, sidda ay ku warameyso NHK¸ war-fidiyeen madax banaan oo wadankaasi Aasiya dhaca ku taala.

Afhayeen u hadlay magaaalada ay mashaqadu ka dhacday ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in wicitaano ka imaanayey goobtaasi oo u badan kuwa ciyaal iskuul ah ay helayn 7-dii subaxnimo.

Sidda ay qorayaan joornaalada, ninka ayaa ka bilaabay in uu dadka weeraro agagaarka goobta uu baska ku joogsado, oo aan ka fogeyn boosteejada tareenka ee magaaladaasi.

Muuqaalo ayaa muujinaya goobta oo ay soo gaareen gaadiidka gurmadka degdeg ah si ay dhibaneyaasha dhaawcmay ugu qaadaan Isbitaal si loo daaweeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Zohran Mamdani oo la filayo inuu noqdo Duqa ugu horreeya ee Muslim ah ee New York: Taariikh cusub 

Mamdani wuxuu ku dhashay Kampala, caasimadda Uganda, sanadkii 1991. Waalidkiis waxay asal ahaan ka soo jeedaan Hindiya.

  • Caalamka

    26-06-2025

  • 10:26AM

Trump: Weerarkii Mareykanka ee Iran waxuu la mid ahaa duqeyntii Hiroshima iyo Nagasaki

Diblomaasiyiin badan iyo falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegay in isbarbardhigga Trump u sameeyay Hiroshima.

  • Caalamka

    25-06-2025

  • 11:23AM