Nin xasuuq u geystay Muslimiin ay Soomaali ku jiraan oo la xukumay

Image

CHRISTCHURCH, New Zealand – Maxkamad ku taala New Zealand ayaa xukun ah 'cimrigaa haku furto' waxay ku riday nin 51 Muslimiin ah oo ay Soomaali ku jiraan ku dhex-laayey laba Masjid oo ku taala magaalada Christchurch.

Brenton Tarrant, 29-jir Australian ah, ayaa qirtay dambigaas, waxaana lagu soo oogay hal dambi oo ahaa argagixisanimo. Sidoo kale, wuxuu sameeyay qiraal ahaa in uu isku dayey khaarijinta 40 kale oo halkaas ka akdhowaa.

Garsooreyaasha ayaa ficilada uu sameeyay Tarrant, oo aaminsanaa sareynta cadaanimada, waxay ku qeexeen "kuwa ka baxsan bini'aadanimada" isla markaana "naxariis-darro ahaa".

Weerarkaan dhacay bishii Maaj sanadkii 2019-kii ayaa argagax badan ka abuuray aduunka, iyaddoo dilaaga uu Facebook-ga si toos ah uga baahiyey toogashadda.

Tarrant ayaa noqonaya qofkii ugu horeeyay ee argagixisanimo loogu maxkamadeeyo gudaha New Zealand. Si lamid ah, wuxuu noqonayaa shaqsigii ugu horeeyay ee xukun xabsi daa'in ah garka loo geeliyo dalkaas.

Xukunka lagu riday gacan ku dhiiglahan waxaa u wehliya in uusan waligiis heli doonin cafis uu jeelka kaga baxo, taasoo la macno ah in ay geeri ka saari karto.

Nidaamka cadaaladda New Zealand qeyb kama ahan xukun dil toogasho ah sida wadamo kale oo Galbeedka ah, waana sababta aan loogu xukumin in la geeyo tiirka.

Mucaad Aadan Ibraahim Diiriye ayaa kamid ahaa Soomaalida ku dhimatay falkaas. 4-sano jirkaan wuxuu ahaa qofkii ugu da’da yaraa ee ku naf-waayey xasuuqaas. Aabihii oo maxkamad ka hadlay wuxuu xusay in uu cadaald sugayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM