​Nin isku dayay inuu toogto Donald Trump

Image

Maxkamad ku taalla magaalada Las Vegas ee dalka Maraykan-ka, ayaa lasoo taagay nin isku dayay inuu toogto murashax xisbiga Jamhuuriga  Donald Trump, kaasi oo maalintii sabtida ee lasoo dhaafay halkaasi ku lahaa olole qayb ka ah murashaxnimadiisa.

19-jirkan eedaysanaha  ah oo lagu magacaabo, Michael Sandford, ayaa isku dayay falkaasi isagoo damcay inuu qori ka dafo Askari booliis ah.

Ma qiran kiiska lagu soo eedeeyay Michael Sandford, balse qaar kamid ah dacwad oogayaasha maxkamadda ayaa shaaciyay in ninkaasi qirtay dambiga loo haysto.

Balse, qaar kamid ah difaacayaasha ninkan, ayaa tilmaamay inuu madaxa ka xanuunsanayo maadama uu yahay shaqo la'aan.

Michael Sandford, ayaa haysta laysanka darawilnimada Britain, waxaana la sheegay inuu dalkaasi ku joogo sharci darro maadama uu ka dhacay dal ku galkii uu haystay.

Dhacdadan, ayaa imaanaysa xilli murashaxa xisbiga Jamhuuriga dhawaan madaxda dalka Maraykanka ku eedeeyay inay ka gaabiyeen sugitaanka amniga islamarkaana wax ka qabtaan sharciga lagusoo galayo dalka Maraykanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM

Araghchi: Ma jiro qorshe lagu daldalayo dibadbaxayaal, Trump-na wuu joojiyay weerarka

Trump ayaa arrintan ka hadlay saacado kaddib markii Mareykanku bilaabay in uu ka saaro qaar ka mid ah shaqaalihiisa saldhig ciidan oo ku yaalla Qatar.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 05:28AM