Nin Muslim ah oo guursaday gabar uu dhalay maalqabeenka Bill Gates

Image

NEW YORK, US – Nayel Nasser, oo u dhashay Masar, ayaa mehersaday Jennifer Gates, gabar uu dhalatay Bill Gates, ninka ugu taajirsan dunida.

Guurkooda ayay ku xaqiijiyeen fariimo kala duwan oo ay soo dhigeen barahooda bulshadda, todobaadkii lasoo dhaafay.

Inkasta oo xiriirkooda uu ahaa mid qarsoodi ah, haddana waxaa la sheegay in ay wada haasaawayeen muddo laba sano ah.

Warbaahinta Mareykanka oo sheekadaan aad u lafagurtay ayaa ku tilmaantay mid bilooyinka soo aadan abuuri doonto muran.

Maadaama ay caddahay in labadooda ay kala haystaan diimaha Islaamka iyo Masiixiga ah, haddana lama ogga hadii midkood uu tanaasulay.

Ma cadda goobta iyo qaabka uu u dhacay meherkooda, waana mid kamid ah arrimaha u baahan in ay si furan daaha uga rogaan.

Nasser, oo 29-jir ah, iyo Jennifer oo 23-sano jir ah, ayaa ka qalin jabiyey Jaamacadda Stanford, sidda ay wararku tibaaxayaan.

Jennifer ayaa ah gabadha ugu da'da qoyska Bill Gates, aas-aasaha shirkadda Microsoft iyo shaqsiga ugu taajirsan kownkaan.

Wallow aysan si shaac-baxsan uga hadlin, xaqiiqadu waa inay jecel-yihiin Isboortiga si gaar ah Nasser wuxuu dalkiisa ku metelay 2020 Tokyo Olympics.

Kaalinta 35aad ayuu kaga jaraa ciyaaraha caalamka. Kuwait oo qoyskiisu ku nool yihiin ayuu kusoo barbaaray. Hadda wuxuu degan yahay Chicago.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM