Nin khalkhal geliyey amniga ra'iisul wasaaraha UK oo la qabtay

Image

LONDON, UK – Booliska Ingiriiska ayaa Arbacadda maanta ah waxay gacanta ku dhigeen nin la sheegay in uu isku dayey in uu weeraro gaariga ra'iisul wasaare Boris Johnson kadib markii uu kasoo baxay baarlamaanka.

Ninka ayaa loo maleynayaa in uu kamid ahaa banaanbaxayaal watay boorar ay ku taageerayaan falaagadda YPG/PKK ee Turkiga dagaalka kula jirta isla markaana u aqoonsan yahay urur argagixiso ah.

Boris Johnson oo waqtigaas kasoo baxay kulanka todobaadlaha ah ayaa Xildhibaanadda baarlamaanka kaga jawaabay su'aallo.

Wallow aan lasoo warin wax dhaawacyo ah oo ka dhashay, gaari ay leeyihiin ciidamada ammaanka ayaa ku dhacay baabuurka Boris kadib markii ninka oo da' ahaan qof weyn u muuqda uu isku dayga sameeyay.

Kadib dhacdadaas uu ku lug-yeeshay ninkaas, ciidanka booliska ayaa hareeyay goobta, waxaana ay hakad geliyeen isu socodka..

Turkiga ayaa sheegay in PKK oo muddo ka badan 30-sano wadda "olole argagixiso" oo ka dhan ah xukuumadda Ankara ay mas'uul ka tahay dhimashadda 40,000 oo isugu jira haween, caruur iyo dhalaan.

Dagaalamayaasha YPG ayaa lagu waramay in ay tahay garabka PKK ee Suuriya, oo dhanka Koonfur xuduud kala wadaaga Turkiga.

Inkasta oo kooxda si guud looga mamnuucay Yurub, dowladda Turkiga ayaa u gudbisay dowladaha qaaradda cabasho la xiriirta in ay wali ku howlgalayaan xasaanad loona baahan yahay in meesha laga saaro arrintaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM