​Nin Somali ah oo weerar ka dhacay London loo xiray

Image

LONDON, Britain- Weerar Mindi loo adeegsaday ayaa xalay ka dhacay Russell Square, ee bartamaha London kaasoo uu gaystay nin Somali ah oo la sheegay inuu maskaxda ka xanuunsanayo kaasoo iminka ku xiran saldhig ku yaalla caasimadda dalkaasi.

Ninka weerarka qaaday ayaa la sheegay inuu ka yimi dalka Norwey.

Khasaaro kala duwan ayaa arrintaasi ka dhashay, waxaana ku naf-waayay hal ruux oo ah haweenay 60 jir ah, halka dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen dhawr qof oo kale.

Duqa London Sadiq Khan ayaa shacabka ugu baaqay inay is-dajiyaan islamarkaana amniga sugistiisa laga qayb qaato.

Gudoomiye ku xigeenka boliiska ee hawlgalada gaarka ah, Mark Rowley, ayaa sheegay in qaybta boliiska ee qaabilsan dilka ay hogaaminayso baaritaanka weerarka, iyadoo taageero ay ka helayso qaybta ka hortaga argagixisada.

Paul O Geibheannaigh, oo degan meesha agteeda, ayaa sheegay inuu arkay maydka qofka dumarka oo jidka yaala, goobtana ay joogeen boliis badan oo hubaysan.

Majirto tafaasiil dheeri ah oo laga helayo weerarka oo xalay goor-dambe dhacay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM

Araghchi: Ma jiro qorshe lagu daldalayo dibadbaxayaal, Trump-na wuu joojiyay weerarka

Trump ayaa arrintan ka hadlay saacado kaddib markii Mareykanku bilaabay in uu ka saaro qaar ka mid ah shaqaalihiisa saldhig ciidan oo ku yaalla Qatar.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 05:28AM