Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Image

MAREYKANKA — Shaqaale u dhashay Sacuudiga oo injineer ka ahaa shirkadda OpenAI ayaa lagu soo oogay dacwad federaal ah, kaddib markii lagu eedeeyay inuu si qarsoodi ah qalab wax lagu duubo codka ugu rakibay mid ka mid ah xafiisyada shirkadda ee gobolka California, sida ay sheegeen xeer-ilaaliyeyaasha Mareykanka.

Ninka lagu magacaabo Abdulrahman Alfozan ayaa lagu eedeeyay inuu isticmaalay ama isku dayay inuu isticmaalo qalab elektaroonig ah ama farsamo oo lagu dhageysto laguna duubo wada sheekaysiga dadka kale iyaga oo aan ogeyn.

OpenAI, oo ah shirkadda samaysay barnaamijka caanka ah ee ChatGPT, ayaa sheegtay inay qalab wax lagu duubo oo casri ah ka heshay xafiiskeeda magaalada San Francisco, kaddibna ay arrintaas ku wargelisay hay’adda baarista dambiyada federaalka ee FBI-da.

Sida ku cad dukumentiyada dacwadda, qalabka ayaa lagu dhex qariyey warqad musqusha, waxaana la geliyey dekedda USB-ga ee ku taalla dhabarka telefishin ku jiray qol ay ku shiraan madaxda sare ee shirkadda.

Xeer-ilaaliyeyaashu waxay sheegeen in qalabka la helay 30-kii Sebtembar, laba maalmood kaddib markii la tuhunsan yahay in la rakibay. Waxay intaas ku dareen in qalabku ahaa mid xogtiisa la sir-gareeyey.

OpenAI ayaa sheegtay in shaqaalaheedu ay adeegsadeen moodooyinka sirdoonka macmalka ah ee shirkadda si ay u fahmaan nooca qalabka iyo halka uu ka yimid, taas oo ka caawisay inay aqoonsadaan shaqaale ay ku tuhunsan yihiin inuu qalabka rakibay maalmo ka hor.

Shirkaddu waxay xaqiijisay in shaqaalaha la tuhunsan yahay shaqada laga eryey, balse waxay sheegtay inaanay jirin wax muujinaya in si aan habboonayn loo helay ama loo xaday koodhka barnaamijyada shirkadda, xogta aasaasiga ah ee moodooyinkeeda AI ama xogta macaamiisha.

Agaasimaha FBI-da, Kash Patel, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Alfozan lagu eedeeyay inuu qalab duubis ah ku qariyey qolka shirarka madaxda shirkadda, si uu si qarsoodi ah u duubo wada sheekaysiyo xasaasi ah.

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka garaadka macmalka ah ee OpenAI.

Sida ay sheegtay FBI-du, baaritaannada ayaa sidoo kale muujiyey in eedeysanuhu adeegsaday qalab loogu talagalay kordhinta wax-soo-saarka shaqada iyo barnaamij wada sheekaysi oo AI ah, si uu u baaro goobaha xasaasiga ah ee shirkadda iyo hababka qarsoodiga ah ee qalabka codka loogu rakibi karo.

Dukumentiyada dacwadda ayaa sheegaya in su’aalihii uu barnaamijka AI-ga weydiiyey ay ku saabsanaayeen samaynta, habaynta, rakibidda iyo tijaabinta qalab wax lagu duubo, iyo sidoo kale sidii meel fog looga maamuli lahaa.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu raadiyey habab lagu samayn karo qalab si joogto ah codka u duuba, loogu xiro shabakadda Wi-Fi-ga, laguna wanaajiyo awoodda dhageysiga tooska ah, iyadoo xogta ku kaydsanna la sir-gareynayo.

Alfozan ayaa la sheegay inuu OpenAI ka shaqaynayey injineer ahaan tan iyo bishii Luulyo 2025.

Dacwadda lagu soo oogay ayaa ah eedeyn, waxaana eedeysanaha loo aqoonsan yahay mid aan wax dembi ah lagu caddayn ilaa maxkamaddu si sharci ah uga go'aamiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM

Diyaarad Ethiopian Airlines leedahay oo loo diiday inay ku degto Israa’iil sababo la xiriira dhalashada duuliyaha

Dhacdadan ayaa dhalisay su’aalo cusub oo ku saabsan habraacyada amniga duulista, gaar ahaan kaddib isku daygii afduubka diyaaradda Flydubai.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 07:06AM