Nin "u gefay" diinta Islaamka oo maxkamad lagu dhex-toogtay

Image

ISLAMABAD, Pakistan – Maxkamad ku taala Waqooyi-Galbeed Pakistan waxaa shalay lagu dhex-toogtay nin lagu eedeeyay afgalaado ka dhan ah Diinta Islaamka iyo in uu sheegtay in uu yahay "Nabiga ugu dambeeya ee EBBE".

Tahir Ahmad Naseem oo kiiskiisa uu soo jiitamayey tan iyo 2018-kii ayay dhowr xabadood kaga dhacdey qeybaha sarre ee jirkiisa. Muuqaalo iyo sawiro laga soo qaadey goobta waxay qabsadeen baraha bulshadda dalkaas.

Booliska ayaa wariyey in ruux lagu magacaabo Khaalid uu qirtay in uu falkaas ka dambeeyay isla markaana ay baaritaano ku bilaabay eedeysanaha.

Kiisaska la xiriira Diinta ayaa xasaasi ka ah Pakistan, waxaana marka la dhageysanayo aad loo adkeeyaa amniga maxkamadaha. Balse, illaa iyo haatan ma cadda sidda uu latuhunsanaha ku helay hubka uu dilka ku geystay.

Naseem oo 47-sano jir ahaa wuxuu wajahayey dil toogasho maadaama sharciyadda u gefida Diinta Pakistan ay sidaas xeerinayaan in ay ciqaabtoodu tahay.

Ururada u dooda xuquuqda bini'aadamka ee isugu jira maxali iyo caalami ayaa ku hungoobay dalabyo ku aadan in dib u habeyn lagu sameeyo xeerarka. Xukuumadda waxay ku adkeystay in ay tahay xalka kaliya ee u furan.

Tobanaan ruux ayaa kiisas noocaan ah loogu dilay gudaha Pakistan. Wallow, aysan jirin cid lagu qaadey shuruucda tan iyo markii lasoo rogay.

Sanadkii 2018-kii ayaa waxaa dhacay xukun dunida ka yaabiyey kadib markii Maxkamadda Sarre ee waddankaas ay dambi ku weysay haween masiixi ah Asia Bibi, taasoo wajaheysay in ay aflagaadeysay Diinta suuban ee Islaamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM