Norway: Somali gurigooda lagu gubay

Image

27 Octobar, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya dalka Norway ayaa sheegay in xalay dab la qabad siiyay guri ay daganaayeen qoys Somaliyeed oo ka koobnaa 12 ruux 6 ka mid ah Carruur ahaayeen.

Booliska Oslo Norway, ayaa sheegaya inay baarayaan dhacdadan cidda ka dambaysay, waxanaa guriga banaankiisa hore laga helay Caag laga daadiyay Baasiin loo malaynayo in loo adeegsaday hoyga la gubay.

Falkan oo ka dhacay magalada Ulstein ee dalkaasi, ma jirto cid waxyeello ka soo gaartay.

Lama garanayo sababta loo gubay guriga qoyskan Somalida ah, balse waxaa loo badinayaa inay qeyb ka tahay isir naceybka ka dhanka ah dadka soo galootiga ee kusii kordhaya dalalka reer galbeedka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM