Obama oo gaaray magaalada Hiroshima

Image

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa gaaray magaalada Hiroshima ee dalka Japan, waxa uuna noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay oo Mareykan ah oo booqda goobtii ugu horreysay caalamka ee lagu dhuftay hubka atoomigga.

Obama ayaa ubax dhigi doono goob loo asteeyay in lagu xasuusto 140, 000 oo qof oo u dhintay sababo la xiriira duqeyntaasi Mareykanka ee sanadkii 1945. Dad kale oo tiro ahaan gaaraya 70, 000 ayaa lagu dilay duqeyn kale oo hubka niyuukleerka loo adeegsaday oo saddex maalmood kaddib lagu qaaday magaalada Nagasaki.

Madaxweyne Obama wax raali gelin ah kama bixin doona duqeymahaasi basle waxa uu horey u sheegay in uu rajeynayo in xusuusta duqeymahaasi ay dunida ka caawin doonto in mustaqbalka la yareeyo dagaal la isu adeegsada hubka Niyuukleerka.

BBC 

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM