Obama oo gaaray magaalada Hiroshima

Image

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa gaaray magaalada Hiroshima ee dalka Japan, waxa uuna noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay oo Mareykan ah oo booqda goobtii ugu horreysay caalamka ee lagu dhuftay hubka atoomigga.

Obama ayaa ubax dhigi doono goob loo asteeyay in lagu xasuusto 140, 000 oo qof oo u dhintay sababo la xiriira duqeyntaasi Mareykanka ee sanadkii 1945. Dad kale oo tiro ahaan gaaraya 70, 000 ayaa lagu dilay duqeyn kale oo hubka niyuukleerka loo adeegsaday oo saddex maalmood kaddib lagu qaaday magaalada Nagasaki.

Madaxweyne Obama wax raali gelin ah kama bixin doona duqeymahaasi basle waxa uu horey u sheegay in uu rajeynayo in xusuusta duqeymahaasi ay dunida ka caawin doonto in mustaqbalka la yareeyo dagaal la isu adeegsada hubka Niyuukleerka.

BBC 

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM