Paris: Nin toorey ku weeraray saraakiil boolis oo la toogtey

Image
Ma jiro sarkaal booliis ah oo ku dhaawacmay shilkan, kaasoo dhacay abbaaraha 07:00 xilliga maxalliga ah

PARIS, France – Booliska waddanka Faransiiska ayaa toogasho ku dilay nin mindi sitay kaasoo la sheegay in uu dad ku dhow u hanjabayey isagoo ku sugnaa boosteejo tareenada ee Gare du Nord ee magaaladda Paris.

Shaqsigan ayaa lagu waramay in uu weeraray labo askari oo boolis oo roondo ku jirtay kuna sugnaa boosteejadda, isagoo isku dayay in uu ku waxyeeleeyo mindi 30 cm (12in) ah, sidda ay booliisku sheegeen.

Ma jiro sarkaal booliis ah oo ku dhaawacmay shilkan, kaasoo dhacay abbaaraha 07:00 xilliga maxalliga ah (06:00 GMT) ee Isniintii. Mas'uuliyiinta ayaa rumeysan in dhacdadani aysan la xiriirin argagixisanimo.

"Boolisku waxay isticmaaleen hubkooda, sidaas darteed waxay meesha ka saareen dhammaan khataraha, labadaba naftooda iyo kuwa safarka ah," ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha, Gérald Darmanin.

Goobjooge ayaa u sheegay telefishinka maxaliga ah ee BFMTV: "Waxaan koray jaranjarada dhinaca kor aada ee garoonka Eurostar, waxaan maqlay qaylo dhanka midig ah".

"Waxaan arkay nin aad u dheer, oo gacanta ku haysta mindi weyn oo bir aad u cajab badan leh, kaasoo u hanjabay laba ama saddex nin oo bilays ah oo hubaysan, booliisku waxay na soo kaxeeyeen goobta, waxay na geeyeen dhulka," ayuu raaciyey.

Boosteejada Gare du Nord waa mid ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan Yurub, waxayna u adeegtaa xudunta tareenada dheereya ee taga dalal dhawr ah, oo ay ku jiraan adeegyada Eurostar ee taga ama ka baxa London.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM