Pope Francis oo booqanaya dalka Kenya

Image

25 November, 2015(GO)-Baadariga madaahibta Catholic-ga ee diinta masiixiyadda Pope Francis ayaa ku soo wajahan dalka Kenya oo ay uga bilaabaneyso booqashadii ugu horeysay ee Afrika uu ku yimaado.

Inta ay u socoto booqashadiisa shanta maalin ah, Pope-ka waxaa la filayaa inuu ka hadlo isu dulqaadashada iyo sida loogu baahan yahay inay wada hadlaan muslimiinta iyo masiixiyiinta.

Sababtya uu uga hadlaayo wadahadalka waxaa dhalisay weerar ay koox hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay dhowr jeer ku qaadeen dalka Kenya.

Weerarada waxaa ka mid ahaa mid lagu qaaday dhismaha ganacsiga ee Westgate oo ku dhowaad 70 qof ay ku dhinteen, iyo kii lagu qaaday jaamacadda garissa ee lagu dilay qiyaastii 150 qof.

Pope-ka waxa uu sidoo kale booqan doonaa, Ugandha oo weeraro dhowr ah ay ka dheceen iyo Jamhuuriyadda bartamaha Afrika oo ay ka taagan yihiin rabshado u dhexeeya Muslimiinta iyo masiixiyiinta.

Xigasho:BBC

 

Related Articles

Türkiye ma beenin duqeymaha Puntland, BBC-da waxay u sheegtay inaysan “xog ka hayn”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Türkiye oo BBC Somali wax ka weydiisay duqeymaha ayaa…

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 05:37PM

Riyaalka Iran oo Qiimo-dhac Taariikhi ah Wajahaya, $1 oo Dhaafay 2 Milyan oo Riyaal

Riyaalka ayaa Isniintii ku dhacay qiyaastii 2.02 milyan oo Riyaal halkii doollar, sida lagu sheegay xogta suuqa lacagaha aan rasmiga ahayn.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 01:02PM