Qadar oo dunida uga digtey in la go'doomiyo kooxda Taalibaan

Image

DOOXA, Qadar - Wasiirka arrimaha dibadda ee Qatar ayaa Talaadadii ka digay in go'doominta #Taliban ay horseedi karto xasillooni darro hor leh oo soo wajahda gobolka Bariga Dhexe.

Quwadaha aduunka ayuu ku tartarsiiyey in ay la falgalaan Taliban si wax looga qabto walaaca amniga iyo dhaqan -dhaqaale ee laga baqayo In Afghanistan la soo daristo.

Dooxa oo xulifo la ah Maraykanka ayaa magac ku heshey wada-xaajoodka muhiimka ahaa ee Taalibaan kuwaas u gogol xaarey in Washington ka baxdo Afghanistan.

Qadar oo kamid ah dalalka marti-gelisay shacabka laga daad-gureeyay Kabul ayaa markii ugu horeysay martigelisay xafiiska siyaasadda Taliban 2013-kii ka furteen Dooxa.

"Haddii aan bilowno in aan shuruudo gelinno oo joojino ka-qaybgalkan, waxaan ka tagi doonnaa meel bannaan, oo su'aashu waxay tahay, yaa buuxin doona bannaankan?," ayuu yiri Abdulrahman Al-Thani.

Dhawaqan ayuu jeediyey kadib markii uu magaala madaxda Dooxa kula kulmay dhiggiisa dalka Jarmalka Heiko Maas kaasoo durba waddankiisa bilaabay in uu duro xukunka Taalibaan.

Jarmalka ayaa lagu waramay in uu si xoogan uga caroodey in diyaardaha ciidanka dalka Qatar ay madaxda Taliban bilaabeen in ay u daad-gureeyaan dalka Afghanistan kahor dowlada cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shiinaha oo Trump u sheegay in arrinta Taiwan ay labada dal u horseedi karto iska horimaad hubeysan

Katrina Yu oo ah weriyaha Al Jazeera ee magaalada Beijing ayaa sheegtay in fariinta rasmiga ah ee ka timid Shiinaha ay tahay in Beijing.

  • Caalamka

    14-05-2026

  • 01:52PM

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM