​Qaramada Midoobay oo ka walaacsan dagaalka Faluuja

Image

Mas'uuliyiin u hadlay Qaramada Midoobay, ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda magaalada dagaalku kasocda Faluuja ee dalka Ciraaq, waxayna sheegeen inay arrin adag lasoo daristay dadka shacabka ah.

Qaramada Midobay, waxay sheegtay in magaaladaasi lagu dhibaateeyay dad xooggan iyadoo intaasi raacisay inay kooxda Daacish gabbaad ka dhigteen carruur, haween iyo rag kuwaasi oo la isugu aruuriyay bartamaha Faluuja.

Dagaalka, ayaa wali socda, waxaana dadka shacabka ah arrintaasi usii dheer biyo, cunta iyo koronto la'aan.

Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, ayaa sidoo kale tilmaamtay inay adag tahay sidii dadkaasi gargaar loo gaarsiin lahaa.

Ciidamada dawladda Ciraaq oo qaaday weerarro xoogan oo qayb ka ah ololaha billowday usbuuc ka hor, waxaana saraakiisha hoogaaminaysa dagaalkaasi sheegayaa in ilaa 75 katirsan mintidiinta Daacish la dilay. Waxay sidoo kale tilmaameen inay la kulmeen iska caabin xooggan.

Ciidamadani oo taageera ka helaya duqeymaha xulufada uu mareykanka hor muudka ka yahay, ayaa lagu soo waramayaa in ay ku sii siqayaan magaaladaasi oo gacanta ugu jirtay kooxda Khilaafada Islaamka tan iyo bishii Janaayo ee sanadkii 2014-kii.

Iyada oo ciidammadu ay ku sii siqayaan Falluja bambooyin badan oo gudaha iyo dibadda magaalada ka dhacay ayaa dilay ugu yaraan labaatan ruux.

Dagaalyahanada kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ayaa difaac ka dhiganaya qaraxyo iyo gawaadhi lagu rakibay waxyaabaha qarxa.

Ilaa 50 Kun oo qof ayaa xaalad xalis ah ku jira, waxaana Qaramada Midoobay ku baaqaysa in dagaalka la joojiyo si dadkaasi loo samata bixiyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Uganda iyo Burundi oo khibrad u leh howlgalka Soomaaliya oo Ciidan u diraya Gaza

Sarkaal ka tirsan milatariga Uganda oo xog u haya qorshaha ayaa sheegay in ciidamo hadda la xulayo si loogu diro Gaza.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 05:39AM

Iran oo afar maalmood hakisay xarun koronto oo Britain ku taalla kadib weerar dhanka internet-ka ah

Dhacdadan ayaa la rumeysan yahay inay dhacday xilli weerarro kale oo dhanka internetka ah lagu qaaday kaabayaasha biyaha ee Mareykanka.

  • Caalamka

    23-08-2026

  • 05:41AM