Qaramada Midoobay oo kordhisay xayiraada hubka Somalia

Image

24 Octobar, 2015(GO)-Golaha amaanka Qaramada Midoobay ayaa kordhiyay xayirada dhinaca hubka ee saaran Somalia, waxaana la kordhiyay ilaa November, 2016.

Golaha ayaa sidoo kale kordhiyay shaqada kooxda u qaabilsan la socodka arrimaha Somalia iyo Eritrea ilaa iyo 15 December 2016, waxaana arrintan u codeyay 14 dal oo ku jira Qaramada Midoobay, halka dalka Venezuela  ka aamustay.

Xubno ka tirsan dowladda Federaalka iyo Barlamanka Somalia ayaa lagu eedeeyay msuq-maasuq, lunsashada hantida Qaranka iyo ku lug lahaanshaha falal dib u dhigi kara hannaanka geedi socodka Somalia, waxaana la sheegay inay la kulmayaan xayiraad.

Kordhinta xayiraada hubka Somalia ayaa imaanaysa xilli dhawaan Qaramada Midoobay soo saartay warbixin ay kaga hadashay xaaladda Somalia, waxaana lagu dhaliilay siyaasadda xukuumadda Federaalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM