Qaramada Midoobay oo soo saartay digniin la xiriirta cudurka Covid-19

Image

WASHINGTON, US – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay in dalalka qaarkood ay adeegsanayaan awoodo xad-dhaaf ah si ay u xakameeyaan fayruska safmarka ah ee Corona.

Guterres oo warbixin soo saarey ayaa ka digay in ololaha ka hortagga safmareenkan uu sababo dhibaatooyin bini'aadanimo.

Warbixintiisa oo soo baxday Khamiistii ayuu ku adkeeyay ahmiyadda ay leedahay in aad looga taxadaro mushkiladaha uu farta ku fiiqay.

"Waxaan aragnaa saamaynta aan loo baahnayn ee ku aaddan bulshooyinka qaarkood, kororka hadalka nacaybka, beegsiga kooxaha nugul, iyo khataraha fal-celinta dhanka amniga ee adag waxay wiiqayaan jawaabta caafimaadka ee laga bixinayo," ayuu raaciyey.

Sidda laga soo xigtay Guterres, qaxootiga oo kamid ah dadka u nugul waxaa muhiim ah in ay helaan daryeel caafimaad oo gooni ah.

Dhawaqa kasoo yeeray UN-ka ayaa kusoo aadaya xilli tiradda kiisaska xanuunka ee guud ahaan caalamka ay sii kordhayaan.

Tiradda kiisaska ee illaa iyo haatan laga diiwaan-geliyey dunida ayaa kor-u-dhaafaya 2.5 miliyan, dadka u geeriyooday waxay ka badan yihiin 170-kun; bukaanada kasoo kabtay waa in ka badan 700-kun oo ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM