Qarax ka dhacay agagaarka Madaxtooyadda oo khasaaro dhaliyey

Image

JAKARTA, Indonesia – Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhaawacantay qarax ka dhacay Beerta Nasashada Jakarta, oo ku dhow Madaxtooyadda waddanka Indonesia.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxay sheegtay in baaritaan lagu bilaabay weerarka aysan illaa iyo haatan jirin koox sheegatay.

Beerta Nasashadda Qaranka ee Indonesia oo loogu yeero Monas ayaa waxaa xiliga uu falku dhacayey ka socotay gaadi ka cayaar.

Maxsuulka baaritaano horudhac ah ayaa waxay muujinayaan in qaraxu ka dhashay Bam-gacmeed laga soo tuuray Mootooyinka laba lug leh.

Dalkan ay dadkiisu badi yihiin Muslimiin ayaa waxaa mudooyinkii dambe aad ugu badnaa weeraradda ay geysanayaan Islaamiyiinta.

Bishii hore ee November 2019-ka, qarax is-miidaamin oo lagu weeraray saldhig boolis oo ku yaala magaaladda Medan ayaa dilay lix ruux.

Dowladda oo ku adkeystay in ay ka go’an tahay sidii ay uga hortagi lahayd falalka noocaan ah ayaa waxay waydiisatay dadweynaha in ay la shaqeeyaan ciidanka.

GAROWE ONLNE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM