Qarax ka dhacay banaanka garoonka diyaaradaha Kabul

Image
Falkan ayaa imaanaya saacado kadib markii laga digay weeraro ay fulin karta kooxda Daacish.

KABUL, Afghanistan - Qarax ayaa laga soo wariyey banaanka garoonka diyaaradaha caasimada Afghanistan ee Kabul. Illaa haatan ma cadda khasaaraha. Warbaahinada qaar waxay sheegayaan in ay jirto dhimasho iyo dhaawac.

Militariga Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Khamiistii maanta ah uu qaraxa weyn iyadoo kumanaan kun oo diyaaradood oo uu hoggaaminayo Mareykanka ay ku sugan yihiin gudaha madaarka caalamiga ah.

"Waxaan xaqiijin karnaa qarax ka dhacay banaanka garoonka diyaaradaha ee Kabul. Khasaaradu ma cadda waqtigan. Faahfaahin dheeraad ah ayaan bixin doonaa markaan awoodno," ayuu yiri Afhayeenka Pentagon-ka John Kirby.

Saraakiisha Mareykanka iyo xulafadooda ayaa sheegay inay hayaan xog ku saabsan in naftood hurayaal ay ku hanjabayaan inay weerari doonaan garoonka diyaaradaha.

Mareykanka iyo xulufadiisa ayaa maanta dadka ku boorriyay inay ka guuraan garoonka diyaaradaha ee Kabul sababo la xiriira hanjabaad weerar oo ay geysanayaan koox hubeysan oo ka tirsan kooxda ISIL (ISIS).

11 maalmood gudahood tan iyo markii Taalibaan qabsatay Kabul, Mareykanka iyo xulafadiisu waxay fuliyeen mid ka mid ah daadgureyntii ugu weyneyd taariikhda, taasoo ay ku rareen in ka badan 88,000 qof reer Afghanistan ah.

Taliska ciidamadda Mareykanka oo qeybta ugu badan ee diyaaradahaas soo kireeyay ayaa shaaca ka dhigay in diyaaraduhu ay duulayaan qiyaastii 39 daqiiqo kasta.

Dagaalyahannada Taalibaan ayaa ilaalo ka haya xayndaabka garoonka, iyadoo ay soo buux dhaafiyeen kumanaan qof oo isku dayaya inay ka cararaan Afghanistan tan iyo markii Talibaan ay xukunka kusoo laabatay kadib 20-sano ay moogeyd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Laba Xildhibaan iyo Xaasaskooda oo Lagu Toogtay dalka Mareykanka

Amar ah “guryaha ku nagaada” ayaa la soo saaray waaberigii hore ee Sabtida si loo ilaaliyo ammaanka shacabka.

  • Caalamka

    14-06-2025

  • 05:07PM

Erdogan iyo Bin Salman oo Khadka Taleefanka kaga Wada Hadlay Xiisadda u Dhaxeysa Israel iyo Iran

Erdogan wuxuu si gaar ah u xusay in Israel la joojiyo tahay-na tallaabada keliya ee lagu….

  • Caalamka

    14-06-2025

  • 04:46PM