​Qarax ka dhacay caasimadda dalka Iraq

Image

Ugu yaraan 11 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo saakay ka dhacay waqooyiga magaaalda Baghdad, ee xarunta dalka Iraq.

Booliska Baghdad, ayaa sheegay in Qaraxa uu fuliyay naftii hore watay gaari lagu soo xiray walxaha qarxa kaasi oo bartilmaameedsaday bar-koontrool.

Dadka ku geeriyooday weerarka ayaa u badan shiico xujaay ah oo ka timid dalka Iraq, kuwaasi oo ku sugnaa meel ku dhaw goobta qaraxa uu ka dhacay.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa magaalada Baghdad, oo horey Daacish uga fulisay dhowr weerar oo dad badan oo shiico ah ay ku dhimtay.

Weerarka Baghdad, ayaa dhacay xilli Kumnanaan askari oo katirsan dowladda Iraq iyo xoogag shiico ah, ay isku dayayaan mudo ku dhaw hal bil inay Daacish ka saaraan Magaaalda Mosul.

Hogaamiyaha Daacish Abu Bakar Al Baqdaadi, ayaa sheegtay inay difaacan doonaan Mosul, sidoo kalena ay weerari doonaan dowladaha ku lugta leh howlgalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM