​Qarax ka dhacay dalka Yemen oo 40 ruux dilay

Image

Ugu yaraan 40 ruux ayaa ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay xarun millatari oo ku taalla magaalada koonfureed ee Cadan, sida ay saraakiishu sheegeen.

Xarun tababar ama dhisme ay isticmaalayeen malayshiyo dawladda taageersan oo caan ah ayaa la bartilmaameed saday sida aya wararku sheegayaan.

Weerarkan ayaa ku soo aadana iyada oo bartanka lagaga jiro dagaallo hor leh oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Yemen ee 17-ka bilood jirsaday ee u dhaxeeya dawladda ay Sacuudigu taageerto iyo jabhadaha.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in in kabadan 6,600 oo ruux ay ku dhinteen dagaalkaas ayna u badan yihiin shacab.

Dad lagu qiyaasay 2.5 milyan oo ruux oo Yemeniyiin ah ayaa sidoo kale qaxay.

BBC

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM