​Qarax ka dhacay magaalada New York

Image

Waaxda qaabilsan dab-damiska magaalada New York ee dalka Maraykanka, waxay sheegaysaa in dad shacab ah ku dhaawacmeen qarax ka dhacay daaqad ku taalla goob mashquul badan oo kamid ah xaafadda Chelsea gaar ahaan qaybta lagu magacaabo Manhattan.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhashay sanduuq qashinka lagu aruuriyo.

Waxa ku dhaawacmay 29 ruux, kuwaasoo mid kamid ah xaaladdiisu liidato.

Booliiska iyo kooxah dab damiska ayaa goobta soo gaaray, kuwaasoo iminka wada baaritaan ku aadan sida ay wax u dhaceen, waxaana la sheegay in falkaasi uusan xiriir la lahayn weeraro Argagixiso iyadoo haatan su'aalo la weydiinayo dadkii ka agdhawaa.

Guddoomiyaha New Yorka iyo Afhayeenka Booliiska ayaa si wadajir ah ula hadlay warbaahinta, waxayna sheegay in qaraxaasi iyo mid kaloo ka dhacay gobolka New Jersey aysan fulin kooxaha Argagixisada iyagoo shacabka ugu baaqay inay is-dajiyaan.

Waxay xuseen in magaalada New York ku jirto feejignaan xooggan islamarkaana booliisku baaritaan ku samayn doonaan Kaamirooyinka wax duuba si loo hubiyo qaraxaasi waxa sababay.

Dhacdadan ayaa saacado hakad galisay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha, waxaana markii hore loo maleeyay weeraro lamid ah kuwo dad badan lagu laayay oo dalkaasi ka dhacayay bilooyinkii dambe.

Xaafadda Chelsea, waa nawaaxiga guryo caan ah oo inta badan  lagu caweeyo, inkastoo aysan ka agdhweyn goobaha dalxiiska iyo dhismayaasha dawladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM