​Qarax ka dhacay magalada Qudus

Image

Weerar loo adeegsaday baabuur lagu rakibay walxaha qarxa ayaa ka dhacay magalada Qudus ee dhulka Falastiiniyiinta, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 15 qof.

Qaraxan waxaa fuliyay ruux Falastiini ah sida aan kasoo xiganay warar hordhac ah oo saraakiisha Boliisku soo saareen.

Waxay intaasi raacsheen in weerarku ahaa fal argagixiso inkastoo weli baaritaanku socdo.

Sawirro laga soo qaaday goobta qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya dab iyo uuro hawaada isku shareeray, waxaana socda gurmad ay fidinayaan kooxaha dab damiska.

Qaraxan ayaa imaanaya xilli Isra'iiliyiintu isu diyaarinayaan maalinta ay xusaan ee loo yaqaano "Passover holiday".

Todobadii bilood ee ugu dambaysay, waxaa la dilay 28 Israa'iilyiin ah, 2 u dhashay America kadib weeraro is xig xigay oo ay qaateen kooxaha kasoo horjeeda Yuhudda, waxaana sidoo kale dhintay 189 u dhashay dalka Falastiin.

Isra'iil ayaa sheegtay dadka dhintay badankoodu inay ahaayeen kuwii weerarka soo qaaday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM