Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qarax la sheegay in uu ka dhashay miinada nooca meelaha fog laga hago ayaa fiidnimadii Talaadada wuxuu ka dhacay wadada 21-ka October gaar ahaan isgoyska Afasiyooni, degmada Waaberi ee Muqdisho.

Jugta qaraxa ayaa maqlay qaybo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir. Goobjoogeyaal khadka telefoonka ugu waramay Garowe Online waxay sheegeen in xilliga qaraxa uu dhacayey uu goobta marayey gaadiid ciidan.

Warar horudhac ah ayaa tibaaxaya in gaarigaas uu leeyahay afhayeenka booliska Soomaaliya, Sadiiq Doodisho. Balse, lama ogga hadii uu saarnaa baabuurka.

Warsidaha Garowe Online ayaa la xiriiray afhayeenka balse dedaaladda aan dooneynay in aan kaga wareysanayo xaaladiisa iyo qaraxa ma guuleysan.

"Illaa haatan, waxaa la xaqiijiyey dhaawaca saddex qof oo ay ku jirto haweenay. Dhamaantooda wadada ayay marayeen," ayay sheegeen goobjoogeyaasha u waramay Garowe Online.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Hasa ahaatee, dhacdooyinka noocaan ah waxaa looga bartay maleyshiyada Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa dusha u ridatay mas'uuliyadda dilal qorsheysan oo qaybo kamid ah caasimadda loogu geystay askar iyo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda.

Nabad-gelyadda caasimadda Muqdisho ayaa u muuqda hoos-u-dhac uu ku imaanayo xilli waddanka uu galayo doorashooyin xasaasi ah isla markaana is-mari-waa xoogan uu ka taagan yahay habraaca loo marayo coddeynta sanadka 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM