Qarax lala eegtay kolanyo Qaramada Midoobay ah oo dhimasho sababay

Image

KABUL, Afghanistan – Qaraxyo kala duwan oo ka dhacay magaaladda caasimadda ah ee Kabul ayaa galaaftay nolosha tirro qof oo uu ku jiro ruux shisheeye ah.

Weerarka koowaad oo lagu beegsaday kolanyo ay la socdeen xubno ka tirsan Qaramada Midooay ayaa dhaawacay shan ruux.

Hal qof oo lagu sheegay ajnabi kaasoo waddankiisa aan lasoo bandhigin ayaa waxaa la tilmaamayaa in uu falkaas ku geeriyooday.

Dhinaca kale, weerar kale oo bar kontarool ka dhacay ayaa waxa ku dhintay sideed askari, waxaana ku dhaawacmay afar kale.

Falaagadda Taliban ayaa sheegatay gulufka dambe, iyadda aan soo qaadin qarax lala eegtay kolanyadda Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in uu dhicisoobay weerarka koowaad maadaama dhaawacyaddu yihiin kuwa aan buurnayn.

Kabul ayaa sanadkan 2019 waxay u tahay mid kamid ah kuwii ugu dhimashadda badnaa taariikhda casriga ah maadaama boqolaal lagu khaarijiyey.

Afghanistan oo ah dal ku yaala qaaradda balaaran eeAasiya ayaa sanadihii u dambeeyay wuxuu la daalaadhacayey kasoo kabashadda colaado daran oo sokeeye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM