Qarax soddon qof dilay oo ka dhacay dalka Nigeria

Image

18 November, 2015(GO)-Qarax xoogan ayaa ka dhacay magalada Yolo ee dalka Nigeria, waxaana ku dhintay soddon ruux, halka toban kale ku dhaawacmeen.

Ma jirto cid sheegatay weerarka, balse waxa laga cabsi qabaa inay ka dambeeyeen ururka Boko Xarm oo dalkaasi ka dagallanta.

Weerarka ayaa ka dhacay suuq qudaarta lagu iibiyo, waxuuna ku soo beegmay xilli ganacsatadu xirayeen dukaamadooda.

Madaxweynaha Nigeria Mohamadu Buhari, oo dhawaan booqday magalada Yolo ayaa sheegay in ururka Boko Xaram ku dhawyahay waqtigii la soo afjari lahaa.

Sannadkan oo kaliya, waxaa magaaladaasi ka dhacay labo qarax oo galaaftay nolsha dad badan oo rayid ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM