Qarax soddon qof dilay oo ka dhacay dalka Nigeria

Image

18 November, 2015(GO)-Qarax xoogan ayaa ka dhacay magalada Yolo ee dalka Nigeria, waxaana ku dhintay soddon ruux, halka toban kale ku dhaawacmeen.

Ma jirto cid sheegatay weerarka, balse waxa laga cabsi qabaa inay ka dambeeyeen ururka Boko Xarm oo dalkaasi ka dagallanta.

Weerarka ayaa ka dhacay suuq qudaarta lagu iibiyo, waxuuna ku soo beegmay xilli ganacsatadu xirayeen dukaamadooda.

Madaxweynaha Nigeria Mohamadu Buhari, oo dhawaan booqday magalada Yolo ayaa sheegay in ururka Boko Xaram ku dhawyahay waqtigii la soo afjari lahaa.

Sannadkan oo kaliya, waxaa magaaladaasi ka dhacay labo qarax oo galaaftay nolsha dad badan oo rayid ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Heshiiska Gaza: Guul Diblomaasiyadeed mise Bilowga Dhamaadka Netanyahu?

Arrintan ayaa khatar gelisay taageerada siyaasiyiinta xagjirka ah ee Netanyahu…

  • Caalamka

    10-10-2025

  • 06:48AM

Turkiga: Netanyahu lagama ogolaan doono inuu burburiyo heshiiska nabada Qaza

adaalladan ayaa qeyb ka ah isku dayada beesha caalamka ay wado si loo joojiyo dagaalka.

  • Caalamka

    08-10-2025

  • 04:23PM