​Qaraxyo 24 qof ku dilay dalka Afghanistan

Image
Image
Image
Image

Dhawr qarax oo kala duwan ayaa maanta ka dhacay dalka Afghanistan gaar ahaan magaalada Caasumadda ah ee Kabul, waxaana weerarka ugu khasaaraha badnaa lala eegtay gaari Rakaab ah, halkaasi oo uu isku qarxiyay ruux ismiidaamiyey.

Wasaaradda arrimaha gudaha Afghanistan ayaa sheegtay in weerarkaas ay ku dhinteen 14 qof, islamarkaana uu dhaawacay 8 kale.

Dadka lagu dilay weerarka ayaa ahaa ciidamo ammaan oo kasoo jeeda dalka Nepal oo u shaqeynayey hay’adda dhinaca ammaanka ah oo ka shaqeysa magaalada caasimadda ah. Shan askari oo kale oo u dhashay dalka Nepal ayaa ka mid ahaa dadka dhaawacay.

 Kooxda Daalibaan ayaa durbadiiba sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.

Saacad kadib miino dhulka lagu aasay ayaa ku qaraxday mas'uul gobol iyo labo kamid ah ilaaladiisa.

Dhinaca kale, weerar dhacay ka dhacay gobolka Badakhshan , ayaa waxaa ku geeriyooday 10 qof, 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii miino la aasay ku qaraxday suuq dadku ay ku badan yihiin.

Weerarada ayaa la sheegay inay ka dhasheen dhimashada 24 ruux iyo dhawaca qiyaastii 40 kale, waxayna kusoo beegmeen xilli lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM