Qaraxyo lala beegsadey labo masjid oo ku yaalla caasimadda Yemen

Image

March 20, 2015 (GO)- Ugu yaraan sagaashan qof ayaa ku geeriyoodey ku dhwaad saddex boqol oo kalena way ku dhaawacmeen afar qarax oo maanta ka dhacay magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen.

Qaraxyadaas oo dhammaantood is-miidaamin ahaa, waxaa lala beegsaday labada masjid ee Badar iyo Al-xashuush xilligii lagu jirey salaadda Jimcaha. Labada masjid waxaa ku cibaadeysta dadka haysta madhabta Shiicada, gaar ahaan madaxda kooxda Xuuthiga iyo taageereyaashooda.

Tobannaan qof oo  u badan kuwo dhaawacyo culus qaba ayaa la gaarsiiyey xarumaha caafimaadka, waxaana laga cabsi qabaa in tirada dhimashadu aad u kororto saacadaha soo socda.

Dadka werarradan ku dhintey waxaa kamid ah imaamkii masjidka Beder Sheekh Murtada bin Zayd al-Muhatwari. Sheekhan ayaa kamid ahaa hogaamiye diimeedyada ugu caansan dalka Yemen.

Waa markii ugu horreysey ee weerar caynkan oo kale ahi ka dhaco xarunta dalka Yemen ee Sanca, laga soo bilaabo markii ay gacan ku haynta magaalada si buuxda ula wareegeen mileeshiyaadka shiicada ah ee Xuuthiga.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM