Qaraxyo ruxay Sri Lanka, khasaaraha iyo wararkii ugu dambeeyay

Image
Image
Image

COLOMBO, Sri Lanka – Ku dhowaad 200 ruux ayaa ku geeriyootay kadib sideed qarax oo ka dhacay maanta wadanka Koonfurta Aasiya ku yaalla.

Weerarada oo lala beegsaday Huteelo iyo Kaniisado ayaa lagu soo beegay xili dadka Masiixiga u dabaaldegayeen ciidoodda Axadda.

Madaxda dalkaasi sida madaxwaynaha iyo ra'iisul wasaaraha ayaa si adag u cambaareeyay dhacdadaan oo aysan wali jirin koox illaa iyo haatan dusha saaratay.

Sidoo kale qaar kamida hogaamiyeyaasha qaramadda gobolka iyo dunida inteeda kale ayaa si lamida tacsi u diray ehelada dadkaasi la xasuuqay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in 20 kamida dadka geeriyooday ay Ajaaniib yihiin xili la filayo in tirada ay sii kordhi karto.

Goobaha waxbarashada ayaa la xiray muddo laba maalmood ah, iyada oo wadankaasi looga dhawaaqay maalmo baroor-diiq ah.

Shacabka ayaa isugu soo baxay Isbitaalada si ay dhiig ugu deeqaan in ka badan 500 ruux oo dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen.

Dalka Sri Lanka oo dadkiisa lagu qiyaaso in ka badan 21 milyan oo ruux ayaa waxaa kaliya Muslimiin ka ah 9.7% taasi oo ah tiro aad u badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM