Muhaajiriin ku dhintey Badda Dhexe oo lagu aasey wadanka Malta

Image

MALTA 23 April, 2015 (GO)- Waxaa lagu aasey wadanka Malta 24 kamid ah muhaajiriintii ugu badnaa ee ku dhintey doonyahii ku degey Badda Dhexe iyagoo kusii jeeda wadammada Yurub.

Dad tiradooda gaareyso 800 ayaa ku dhintey badda Mediterranean kadib markii doonta ay saarnaayeen ku dhacdey markab kuwa xamuulka ah ee marayey badaas.

Dadka muhaajiriinta oo ku dhintey badda u dhexeysa Libiya iyo Yurub ayaa gaaraya sanadkaan 1750 qof.

Madaxda wadamada Yurub ayaa maanta kulan ka leh sidii loola tacaali lahaa dadkaan qaxootiga ah ee kasoo raacaya doonyaha wadanka Libiya.

Dadka maanta lagu aasey wadanka Malta ayaa aaskooda waxa ka qayb galey dadkii qaxootiga ahaa ee ka badbaadey safarkaan baqdin lahaa, madaxda wadankaas iyo saraakiil ka tirsan hay'adaha caawina dadkaan muhaajiriinta ah.

Qoraal qabyo ah ayaa wararku sheegayaan in madaxda wadamada Yurub isku afgarteen in 5000 kamid ah dadkaas marka la xaqiijiyo iney yihiin qaxooti rasmi ah degnaansho loo raadiyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM