Qiimaha shidaalka Mareykanka oo la kulmay hoos u dhacii ugu xumaa

Image

WASHINGTON, US – Qiimaha la iibiyo saliida cayriinka ah gudaha Mareykanka ayaa markii ugu horeysay taariikhda hoos u dhacii ugu xumaa la kulmay. Tani waxaa lala xiriiriyey fayruska Corona.

Tan iyo markii la aas-aasey suuqa saamiyadda saliidda ee NYMEX isla markaana uu ganacsiga bilaabay ee 1983-kii, qiimaha shidaalka ayaa markii koowaad ka hoos-marey eber Doolar halkii fuusto.

Subaxnimadii Isniinta, qiimaha halkii barmiil ayaa ku furmay aduun dhan 20.3 Doolar-ka Mareykanka ah, wuxuuse noqdey -40.23. Halkaas kuma ekaan, wuxuu ka hoos-maray eber Doolar.

Dharbaaxadan ayaa ka dhigan in shirkadaha soo saara shidaalka ee maxaliga ah ay iyagu lacag ku bixinayaan in shidaalka suuq u helo maadaama aysan haysan goobo kale oo ay ku kaydiyaan.

Falanqeeyeyaasha ayaa ka digay in hoos-u-dhac shidaalka ku yimid ay sii jiri karto bilooyinka kale ee soo aadan. Si lamid ah, waxay ka digeen suurtagalnimada in ay dhibaatadan xirto shirkadaha.

Cudurka safmareenka ah ee Covid-19 ayaa loo aaneeyay hoos-u-dhacaan maadaama ay dunida oo dhan kala xirantay. Intaas waxaa wehlisa, loolan ka dhex-qarxay Sacuudiga iyo Ruushka.

Labadan dal ayaa suuqa soo geliyey shidaal badan taas oo hoos u dhigtay qiimaha isla markaana dhaawacday shirkadaha Mareykanka. Wadahadalo ay yeesheen 12-kii April, 2020 ayaa fashilmay.

Sikastaba, arrintaan soo korortay waxaa la aaminsan yahay in ay cadaadiska kusii kordhineyso Donald Trump kaasoo maamulkiisa lagu dhaliilay in uu ka gaabiyey xakameynta cudurkaas faafa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM