​QM "Wada hadallada Suuriya ha la bad-baadiyo"

Image
Image
Image
Image
Image

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Suuriya, Staffan De Mistura, ayaa waxa uu ugu baaqay Mareykanka iyo Ruushka in ay bilaabaan hannaan degdeg ah oo heersare ah si loo badbaadiyo wadahadallada nabadda ee Suuriya.

De Mistura oo hadlayay kaddib mar uu xogsiiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa waxa uu sheegay in xabbad joojinta Suuriya ay afka un ka jirto oo ay suuragal tahay in ay burburto xillikasta.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in colaadda la yareeyo, waxa uuna rajaynayaa in wadahadallada Geneva dib loo bilaabi doono bisha May.

Kaddib markii dhowr jeer lagu xadgudbay xabbad joojinta, ayaa mucaaradka Suuriya waxa ay todobaadkii la soo dhaafay isaga baxeen wadahallada, iyagoo sheegay in aanay ku soo laaban doonin ilaa gargaar dheeraad ah looga diray magaalooyinka la go’doomiyay.

Mr De Mistura ayaa sheegay in rabshadaha ka taagan gudaha waddanka Suuriya ay socdeen xilli inta badan wadahadallada ay dhacayeen.

BBC

Related Articles

Iran oo weeraraysa saldhigyada Maraykanka Haddii Wadahadallada Nukliyeerka Fashilmaan

Hanjabaaddan ayaa imaneysa iyadoo ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha u dhexeeya labada dal.

  • Caalamka

    11-06-2025

  • 10:47AM

Elon Musk: Waan Ka Shallaayay Khilaafkii Aniga iyo Donald Trump, Waan Xadgudbay

“Runtii waan ka shallaayaa sida ay wax u dhaceen. Meel ka baxsan xadka ayay iga gaareen. Waan khaldamay,” ayuu yiri Musk.

  • Caalamka

    11-06-2025

  • 09:45AM