Qof ku dhintay shaqaaqo ka dhacday xabsi ku yaallay Laascaano

Image

22 Septembar, 2015(GO)-Gudoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland Yaasiin Maxamed Shidde ayaa ka hadlay shaqaaqooyin ka dhacay xabsi maamulka Somaliland gacanta ku hayso oo ku yaalla magalada Laascaano.

Hal askari ayaa dhintay ku dhawaad 20 maxbuusna waa ka baxsadeen, waxaana fududeeyay qaar ka mid ah ciidamada ilaalada ka ahaa xabsiga iyo saraakiil ka tirsan ciidanka asluubta, sida uu VOA u sheegay guddoomiya Sool.

Shidde waxa uu tilmaamay falka dhacay uu dhankooda ka yimi isla markaana sixi doonaan.

Lama oga sababta loo fududeeyay sii daynta maxaaabiista, balse waxa Gudoomiyuhu meesha ka saaray inaysan lug kulahayn qabiil iyo faragalin ka baxsan maamulkaasi.

Dadka baxsaday waxaa ku jiray sida Shidde sheegay saddex nin oo ku xukunna dil kuwaasi oo aan la ogayn ilaa hadda meesha ay ku suganyihiin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM