Qof ku dhintay shaqaaqo ka dhacday xabsi ku yaallay Laascaano

Image

22 Septembar, 2015(GO)-Gudoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland Yaasiin Maxamed Shidde ayaa ka hadlay shaqaaqooyin ka dhacay xabsi maamulka Somaliland gacanta ku hayso oo ku yaalla magalada Laascaano.

Hal askari ayaa dhintay ku dhawaad 20 maxbuusna waa ka baxsadeen, waxaana fududeeyay qaar ka mid ah ciidamada ilaalada ka ahaa xabsiga iyo saraakiil ka tirsan ciidanka asluubta, sida uu VOA u sheegay guddoomiya Sool.

Shidde waxa uu tilmaamay falka dhacay uu dhankooda ka yimi isla markaana sixi doonaan.

Lama oga sababta loo fududeeyay sii daynta maxaaabiista, balse waxa Gudoomiyuhu meesha ka saaray inaysan lug kulahayn qabiil iyo faragalin ka baxsan maamulkaasi.

Dadka baxsaday waxaa ku jiray sida Shidde sheegay saddex nin oo ku xukunna dil kuwaasi oo aan la ogayn ilaa hadda meesha ay ku suganyihiin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM