Ra'iisul wasaare dhagax la dhuftey isagoo olole ku jira

Image
Dhacdadan ayaa lasoo wariyey in ay qabsatay isaga oo sii galaya baskii uu saarnaa.

TORONTO, Canada - Ra'iisul wasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau, ayaa dhagaxyo yaryar garabka looga dhuftey isaga oo ku jira olole doorasho. Ma jiro wax dhaawac soo gaarey.

Dhacdadan ayaa lasoo wariyey in ay qabsatay isaga oo sii galaya baskii uu saarnaa ka gedaal markii uu kasoo laabtey goob
khamriga lagu iibiyo.

Sanadkii 2016-kii, haweeney ayaa Trudeau ku soo tuurtay miraha bocorka. Trudeau oo shir jaraa'id ka hadlay wuxuu biyo-qabow ku shubay in dadka dalkiisu neceb yihiin.

Mr Trudeau ayaa ku dhawaaqay doorasho degdeg ah bartamihii bishii Ogosto, isaga oo rajaynaya in uu helo aqlabiyad dawladnimo oo uu yeesho xisbigiisa Liberal-ka ee bidix-dhexe.

Hase ahaatee, ololihiisa waxaa carqaladeeyay bannaanbaxyo looga soo horjeedo waajibaadka tallaalka safmareenka halista ah ee Covid-19 iyo xannibaadyo kale.

Toddobaad uun ka hor, ra'iisul wasaaraha ayaa lagu qasbay inuu baajiyo isu soo bax doorasho markii rayid careysan oo mudaaharaadayay ay weerar gaadmo ah ku qaadeen.

Bishii hore, dawladdu ayaa sheegtey in dhamaan shaqaalaha rayidka ah ay tahay in la tallaalo dhammaadka Oktoobar ama ay halis ugu jiraan inay waayaan guud ahaan shaqooyinkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM