Ra'iisul Wasaare u geeriyooday safmarka Coronavirus

Image

LOBAMBA, Eswatini - Ra'iisul Wasaaraha Eswatini, Ambrose Dlamini, ayaa geeriyooday Isniinta maanta ah, sidda ay ku dhawaaqdey dowladda waddankaas.

Sabelo Dlamini, afhayeenka dowladda oo u waramay saxaafadda maxaliga ah, ayaa tilmaamay in ay qoyska Dlamini kala shaqeyn doonan aaskiisa.

"Waxaa la ii wakiishay in aan qaranka ku wargeliyo geerida naxdinta leh ee ku timid Mudane Ra'iisul Wasaare Ambrose Dlamini. Mudanaha wuxuu ku dhintay isbitaal ku yaala Koonfur Afrika. Dowladda waxay kala shaqeyn doontaa qoyskiisa in ay isku dabarido duugtiisa," ayuu yiri.

Ambrose ayaa laba todobaad kahor loo dhoofiyey Koonfur Afrika kadib markii laga helay aafadda Coronavirus.

Dalkan kolkii hore loo aqooni-jiray Swaziland ayaa waxaa ku nool 1.1 milyan oo ruux, waxaana laga helay kiisas gaaraya 6,714. Kaliya shalay waxaa u dhintay 29 ruux.

Lizzy Nkosi, wasiirka caafimaadka, ayaa tibaaxay in 55 qof ay bogsadeen shalay taasoo wadarta ka dhigeysa 6,331. Boqortooyadda wuxuu cudurka ku dilay 128 qof.

Inkasta oo uu la daalaadhacayey Covid-19, illaa haatan lama soo bandhigin sababta dhabta ah ee keentay geerida Dlamini, taas oo la macno ah in laga sugayo dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaac ka taagan Dalalka Khaliijka oo ka baqaya weerar uga imaan kara Iran

Tusaale ahaan, Baxrayn waxay hoy u tahay Xarunta Howlgalka Ciidamada Badda ee Mareykanka ee Bartamaha, taasoo noqon karta bartilmaameed.

  • Caalamka

    19-06-2025

  • 02:55PM

Khamenei oo u jawaabay Trump: “Iran marnaba isma dhiibayso”

Xiisadda gobolka ayaa si weyn u kacsan kadib weerarro is-daba joog ah oo u dhexeeyay Israel iyo Iran.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 11:58AM