Rabshado ka socda magaalo ka mid ah Maraykanka

Image

In kabadan kun qof oo dhigaya dibad bax ayaa isugu soo baxay magaalada Baltimore, iyaga oo ka cabanaya geerida Freddie Gray oo 12-kii bishan afraad ay booliska xabsiga dhigeen, kaddibna uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray laf-dhabarta.

Dadka dibad-baxa dhigayay ayaa burburiyay muraayadaha gawaarida booliska, waxaana la xiray tiro dad ah.

Lix askari oo booliska ka tirsan ayaa shaqada laga joojiyay kaddib geerida ninkani madowga ah, waxaana haatan soconaya baaritaan ay wadaan booliska.

Freddie Gray oo 25- jir ahaa ayaa ah qofkii ugu dambeeyay ee Amerikaan madow ah oo bilihii ugu dambeeyay ku dhinta gacanta booliska, waxaana dhimashada dadkani madowga ah ka dhashay rabshado, iyadoo booliska lagu eedeeyay gabood-falyo ka dhan ah dadka madowga ah.

Magaalada Baltimore ayaa waxaa soo maray dibad-baxyo joogta ah tan iyo geerida ninkani madowga ah maalintii axadda ahayd ee aan soo dhaafnay balse dibad-bixii shalay oo sabti ahayd ayaa ahaa kii ugu weynaa ee soo mara magaaladaasi.

Mid ka mid ah dibad-baxyadii shalay oo loogu magac daray qareenada dadka madowga ah ee dhanka caddaaladda ayaa waxa uu ka dhacay bannaanka hore ee xarunta dowladda hoose ee magaaladaasi Baltimore.

Taliyaha booliska ayaa sheegay in booliska ay ku guul dareysteen in ninkaasi madowga ah ay siiyaan dawadii uu u baahnaa. Balse ururka midowga booliska ayaa dhaliilay hadalkaasi ka soo yeeray taliyaha, waxa ayana ku tilmaameen mid siyaasadeysan isla markaana aan laga fiirsan.

Booliska ayaa natiijada baaritaanka ay wadaan waxa ay soo bandhigi doonaan kowda bisha soo socota, xilligaasi oo dadka dibad-baxyada dhigaya ay rajaynayaan in lixdaasi askari ee booliska ah ee hadda shaqada laga joojiyay maxkamd la soo taagi doono, waxa ayna wacad ku mareen in ay sii wadayaan dibad-baxyada haddii aysan sidaasi dhicin.

Xigasho: BBC

 

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM