Rag bas ku dhex-kufsadey gabar ardayad ahayd oo la daldalay

Image

NEW DELHI, India — Afar nin oo dil iyo kufsi ugu geystay gabar ardayad ah gudaha bas magaaladda Dehli sanadkii 2012-kii ayaa lagu fuliyey daldalaad.

Akshay Thakur, Vinay Sharma, Pawan Gupta iyo Mukesh Singh waxaa dil toogasho lagu xukumay sanadka markii uu ahaa 2013-kii.

Xabsiga aadka loo ilaaliyo ee Tihar ayaa lagu daldalay xalay. Fulinta xukunka dilka toogashada waa kii ugu horeeyay tan iyo 2015-kii.

Gabadha la faraxmeeyay ayaa maalmo kadib u dhimatay xadgudubka lixda rag, oo midkood uu isku dhex-dilay xabsiga, halka kan lasii daayey.

Eedeysanaha lasii daayey oo 17-sano jir ahaa ayaa wuxuu xabsiga ku qaatay muddo saddex sano ah, sidda ay ku warantay saxaafadda.

Gaboodfalka loo geystay gabadhaas ayaa banaanbaxyo xoogan ka dhaliyey qaybo kamid ah Hindiya, taas oo cadaadiska ku kordhisay dowlada.

Narendra Modi, ra'iisul wasaaraha India oo sheegay in cadaalada ay fushay, ayaa ku adkeystay in la ciqaabi doono ragga caadeystay kufsiga.

Hindiya ayaa kamid ah wadamadda caalamka oo ay adag tahay in haweenku ku noolaadan. 2018-kii, waxaa la diiwaan-geliyey in ka badan 33-kun kiis oo kufsi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM