​Rag qarxin lahaa xarunta Somali dagantahay oo la qabtay

Image

WASHINGTON, USA- Xukuumadda Maraykanka ayaa shaacisay inay xir-xireen ilaa saddex ruux oo lagu eedeeyay inay rabeen weeraro Argagixiso oo laga fuliyo magaalada Garden City ee gobolka Kansas.

Waaxda Cadaaladda Mareykanka ayaa caddaysay in la xiray saddex nin oo Mareykan ah oo qorsheynayey weerar lagu qaado masaajid iyo guryo ay daganyihiin qoysas Soomaaliyeed oo dagan magaaladaasi.

Tom Beall, oo ah ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalka Mareykanka ayaa warbaahinta xalay u sheegay in nimankan oo lagu kala magacaabo; Curtis Allen, Gavin Wright iyo Patrick Stein, la xiray Jimcihii tagay kadib markii lagu soo eedeeyey danbiyo la xiriira aragagixisada gudaha.

Beall, ayaa intaas ku daray in raggan abaabuuleen baabuur lagasoo buuxiyay walxaha qarxa kuwaasoo la rabay in Afar jiho laga dhigo dhisme dhowr dabaq ka kooban oo qiyaastii daganyihiin 120 ruux oo Somalia.

Weerarkan ayaa wararku sheegayaan in la fulin lahaa 09 Bisha November, 2016 maalin kadib doorashada madaxtinimada waddanka Maraykanka.

Lama oga sababta raggan u beegsanayeen xarunta Somalidu dagantahay, balse waxay timid iyadoo in badan dadka kasoo jeeda waddanka Dhaca Bariga Afrika lagu eedeeyo inay dhalinyaradoodu ku biiraan kooxaha Xagjirka ah ee ka dagallama Somalia iyo Bariga dhexe.

Xukuumadda Washington ma caddaynta sida laga yeelayo raggan iyadoo aan tafaasiil dheer laga bixin shakhsiyaadka la qabtay iyo waxay horay uga shaqayn jireen.

GAROWEONLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM