Ra'iisul Wasaaraha Canada oo xil cusub u magacaabay Axmed Xuseen

Image

TORONTO, Canada – Ra'iisul Wasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau, ayaa wuxuu isku shaandheyn balaaran ku sameeyay Golahiisa Wasiiradda.

Isku shaandheynta ayaa waxaa ku baxay xubno, halka kuwa kale loo bedelay jagooyin kale oo ahayn kuwii ay hayeen.

Axmed Xuseen, Soomaali-Canadian, oo ahaa Wasiirkii Socdaalka ayaa waxaa loo magacaabay Wasiirka Horumarinta Bulshadda.

Jagadda Xuseen ayaa waxaa loo xushay Marco Mendicino, kaasoo la wareegi doona xafiiska maalmaha soo aadan, sidda ay qortay saxaafadda.

Mr Xuseen oo ah Xildhibaan xeer-dejinta ka tirsan ayaa waxaa aad loogu ammaanaa in uu wax badan ka qabtay dhanka socdaalka.

Si gaar ah waxaa la sheegayaa in qaxootiga qaaradda Afrika uu albaabada u furay isla markaana mudadii uu xilka hayey ay Canada qaabishay boqolaal.

Siyaasiyiin, ururo iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada, ayaa durba waxay bilaabeen in ay hambalyo u diraan Axmed, iyaga oo u rajeeyay guul.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Norway: Hashim Abdi oo noqday Xildhibaanka ugu da’yar oo Soomaali ah

"Waa arrin aad u waalli ah. Waa sheekada Norway – in wiil ka yimid Trara uu gaaro qolka awoodda."

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 07:14AM

Waa Kuma Khalil al-Hayya: Hoggaamiyaha Xamaas ee Israel rabtay inay ku disho Weerarkii Qatar?

al-Hayya wuxuu awooday in uu si xor ah ugu safro dalalka deriska ah, taasoo u sahashay in uu ka madax bannaano xayiraadda ay Israa’iil saartay Gaza.

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 06:27AM