Ra'iisul Wasaaraha Ciraaq oo is-casilaya kadib geerida rayid badan

Image

BAGHDAD, Iraq – Ra'iisul Wasaaraha Ciraaq, Caadil Cabdul Mahdi, ayaa jagada baneynaya, sidda uu sheegay xafiiskiisa, ka gedaal markii hal maalin gudaheeda ay ku dhinteen 40 qof banaanbaxyada ka dhanka ah dowladda.

Go’aanka Cabdul Mahdi ayaa sidoo kale yimid saacado kadib wadaadka ugu sareeya Shiicada Ciraaq uu cambaareeyay in awood loo adeegsado dibad-baxayaasha oo dalbanaya in lasoo dhiso xukuumad cusub.

Wadar ahaan, ku dhowaad 400 ayaa ku geeriyootay mudaaharaadka oo socda tan iyo bishii October ee sanadkan 2019-ka.

Ciraaqiyiinta ayaa waxay dalbanayaan shaqooyin, soo afjarida musuqmaasuqa iyo adeegyadda bulshadda oo la hagaajiyo.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay wararka ku saabsan in rasaas nool nool loo adeegsanayo banaanbaxayaasha, isaga oo ku baaqay "iska caabin xadidan".

Guterres ayaa ku tartarsiiyey dowladda Ciraaq in ay talaabo ka qaado cid kasta oo ay ku cadaato in ay ku lug lahayd dhimashada rayidka.

Ciraaq oo sanadihii u dambeeyay kasoo kabanayey dagaalo wejiyo kala duwan leh ayna ku jiraan kuwa siyaasadeysan ayaa ku biiraya liiska wadamada Carabta ee sanadkan 2019-ka ay ka dhacayaan kacdoon ka yimid shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM