Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska: Hadii aad qufaceyso iska joog gurigaaga

Image

LONDON, UK – Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska, Boris Johnson, ayaa diidey in uu mamnuuco kulamada dadweynaha xili uu dalkaas ku faafayo Coronavirus.

Isagoo wariyeyaasha la hadlay kadib shir degdeg ah, Boris ayaa tilmaamay in caabuqaan uu yahay kii ugu xumaa taariikhda jiilka cusub.

Qof walboo qufacaya ayuu ku waaniyey in uusan kasoo bixin hoygiisa isla markaana uu si-iskiisa ah uu isku karan-tiilo.

Mudada kariintalka ayaa ah 14 maalmood, maadaama astaamaha ay intaas ku kala caddaan karaan kadibna la xaqiijin karo.

Gudaha Ingiriiska, waxaa la qiyaasayaa in shan ilaa iyo tobban kun oo ruux uu haleelay xanuunkaas dilaaga ah.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warameysa in hadii xaaladda ay kasii darto ay dowladdu mamnuuci doonto kulamada dadweynaha.

Intaas waxaa wehlisa in la fari doono in la xiro goobaha waxbarashadda, talaabadaas oo ay qaadeen dowlado badan.

Ugu dambeyntii, ra'iisul wasaare Boris ayaa wuxuu meesha ka saarey in uu xayiraad kusoo rogi doono duulimaadyadda qaar kamid ah wadamada xiriirka la leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM