Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska oo xukuumadiisa isbitaal ka maamulaya

Image

LONDON, United Kingdow - Ra’iisul waasraaha Britain Boris Johnson ayaa la dhigay isbital, isaga oo maraya tijaabooyin kadib markii 10 maalmood oo xiriir ah lagu arkayey astaamaha cuudrka Coronavirus.

Johnson ayaa 27-kii March ku dhowaaqay in cudurka laga helay, wuxuuna wixii markaa ka dambeeyey ku sugnaa xaalad go’doon ah, isaga oo degan qeyb kore oo ka tirsan dhismaha xafiiskiisa Downing Street.

Habeenkii Axadda, kadib talo ka timid dhaqtarkiisa, ayaa 55 jirkan la dhigay isbitalka, ayada oo xafiiskiisa uu taasi ku qeexay “tallaabo taxaddar ah”.

Saraakiisha ayaa sheegay in Johnson weli uu dareemayo qandho heer kulkeedu sarreeyo, iyo astaamo kale oo ka mid ah kuwa cudurka Coronavirus.

“Wuxuu maanta ku jiraa isbitalka, isaga oo maraya tijaabooyin, balse wuu la socona doonaa waxa dhacaya, wuxuuna ahaan doonaa madaxa dowladda,” waxaa sidaas taleefishinka BBC u sheegay wasiirka guryaha Britain Robert Jenrick.

Britain ayaa waxa ay bartamaha kaga jirtaa faafitaan xooggan oo uu sameynayo cudurka Coronavirus, ayada oo dalkaas laga xaqiijiyey ku dhowaad 50,000 oo kiis iyo dhimashada ku dhowaad 5,000 oo qof illaa hadda.

Johnson waa hoggaamiyaha ugu magaca dheer caalamka ee uu cudurkan ku dhacay, hase yeeshee wasiirkiisa caafimaadka Matt Hancock, iyo dhaxal-sugaha boqortooyada UK Prince Charles, ayaa labadaba laga helay cudurka, inkasta oo ay kadib kasoo kabteen.

GO + VOA

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM