​Ra'iisul Wasaaraha Japan oo booqasho ku tagey dalka Philippine

Image

Ra'iisul Wasaaraha dowladda Japan Shinzo Abe ayaa booqasho rasmi ah waxa uu ku tagay wadanka Philippine, si uu u xoojiyo xiriirka kala dhaxeeya dalkaasi.

Booqashada Shinzo Abe ee dalkaasi Philippine ayaa qaadan doonto mudo labo maalmood ah, waxaana inta uu joogo la kulmi doonaan Madax sare.

Waa booqashadii ugu horeysay oo hogaamiye ka socdo caalamka ku tago dalka Philippine tan iyo markii awooda uu la wareegay sanadkii tagay Madaxweyne Rodrigo Duterte.

Labada hogaamiye ayaa waxay ku kulmayeen madaxtooyada magaalada Manile, iyagoo kulankooda diiran ku saari doono xoojinta xiriirka labada dowladood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran oo afar maalmood hakisay xarun koronto oo Britain ku taalla kadib weerar dhanka internet-ka ah

Dhacdadan ayaa la rumeysan yahay inay dhacday xilli weerarro kale oo dhanka internetka ah lagu qaaday kaabayaasha biyaha ee Mareykanka.

  • Caalamka

    23-08-2026

  • 05:41AM

Israa’iil: Ma Doonayno Dagaalka Turkiga, Balse “Xariiqdii Cas” Waa Laga Gudbay

Danjiraha ayaa sheegay in Israa’iil ay weli diyaar u tahay inay Turkiga la hadasho sidii looga fogaan lahaa dagaal toos ah.

  • Caalamka

    20-08-2026

  • 08:14PM