Ra'iisul wasaarihii hore ee Faransiiska iyo xaakiisa oo la xukumay

Image

PARIS, France – Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Faransiiska, François Fillon, iyo xaaskiisa u dhalatay Wales ayaa Isniinta maanta ah lagu riday xukunno xabsi ah.

Siyaasigaan muxaafidka ah ayaa lagu helay dambi ah in Penelope Fillon uu mushahar dhan $1.3 milyan ku siinayey lataliye baarlamaan oo aysan ahayn.

Fillon ayaa waxaa lagu xukumay shan sano oo xarig ah oo saddex sano oo kamid ah laga jari doono, hadii dhaqan wanaag uu lasoo baxo inta uu xiran yahay.

Sidoo kale, haweenayda ayaa lagu xukumay saddex sano oo hadii ay lasoo baxdo dhaqan wanaag inta ay jeelka ku jirto lasii dayn doono.

Qareenadooda ayaa ku adkeystay in aysan rajo dhigi doonin, taasoo la macno ah in ay rafcaan ka qaadan doonan xukunka maxkamadda.

Maxkamadda xukunka ridday oo ku taala caasimada Paris ayaa sidoo kale waxay tobban sano ka mamnuucday François Fillon in uu xafiis dowladeed ka shaqeeyo.

Kiiskaan oo noqdey fadeexad caan-baxday ayaa sidoo kale sababay in uu burburo ololihii madaxtinimada François Fillon ee 2017-kii.

66-sano jirkaan waa siyaasigii ugu maqaamka sareeyay gudaha Faransiiska tan iyo markii Jamhuuriyadda 5aad la unkay 1958-dii oo xukun noocaan ah oo ku dhaco.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM