​Ra’isal wasaaraha Ethopia oo raali galin bixiyay

Image

Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia oo ka hadlay TV-ga waddankaas ayaa raali galin u diray qowmiyadda Oromada, kadib markii dad badan oo iyaga kamid ah lagu laayay qalalaaso dhacay dabo yaaqaadii sannadkii tagay.

Hailemariam Desalegn, ayaa dadkii ka dambeeyay rabshadaha ku sifeeyay kuwo doonaya dhibaatooyin ka dhaca dalkaasi, wuxuuna sheegay in dowladiisu ka go’antahay qaabkii loo xakamayn lahaa.

Dhinaca kale, wuxuu tilmaamay in qowmiyadaha Ethiopia yihiin kuwa walaalo ah oo qarniyo badan soo wada noolaa, wuxuuna taas badalkeeda ka codsaday inay isdajiyaan oo nabadda ka shaqeeyaan.

Hadalka Ra’isal wasaaraha waddanka Ethiopia, ayaa kusoo beegmay xilli bishii Janaayo lasoo afmeeray dhibaatooyin bilowday markii xukuumaddu shaacisay in caasumadda Addis Ababa ku fidin doonto goobo beeralay ah oo qowmiyadda Oromadu dagaan, waxaana rabshadahaasi ku dhintey ku dhawaan 200 oo ruux.

GAROWEONLINE

Related Articles

Riyaalka Iran oo Qiimo-dhac Taariikhi ah Wajahaya, $1 oo Dhaafay 2 Milyan oo Riyaal

Riyaalka ayaa Isniintii ku dhacay qiyaastii 2.02 milyan oo Riyaal halkii doollar, sida lagu sheegay xogta suuqa lacagaha aan rasmiga ahayn.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 01:02PM

Uganda iyo Burundi oo khibrad u leh howlgalka Soomaaliya oo Ciidan u diraya Gaza

Sarkaal ka tirsan milatariga Uganda oo xog u haya qorshaha ayaa sheegay in ciidamo hadda la xulayo si loogu diro Gaza.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 05:39AM