Ruhollah Zam: Wariye mar la musaafuriyey oo la daldalay

Image

TEHRAN, Iran - Mas'uuliyiin ayaa sheegay in Iran ay dil toogasho ku fulisay wariye mar la musaafuriyey kaasoo udub-dhaxaad u ahaa banaanbaxyadii 2017 ee ka dhashay mushkiladda dhaqaale.

Telefishinka dowladda, wakaaladda wararka dowladda dd IRNA iyo mareega Nour ayaa wariyey in Ruhollah Zam la daldalay aroornimadii Sabtida maanta ah.

Bishii June, maxkamad ayaa Zam ku xukuntey dil toogasho, iyadda oo cuskaneysa "eedeymo musuqmqasuq gudaha" - taasoo ah dacwad lagu soo oogo dadka loo haysto basaasnimada ama isku dayo lagu ridayo dowladda Iran.

Todobaadkii hore, maxkamadda sarre ee Iran ayaa ayiday xukunka dilka toogashadda Zam kaasoo la qabtay 2019 kadib sanado uu musaafuris ku jiray.

Mareegga Zam iyo kanaal uu ka sameeyay Telegram ayaa aad u baahiyey wararka iyo banaanbaxyadda ay abaabulaan mas'uuliyiinta kasoo horjeeda dowladda Iran.

Boggiisq Amadnews waxaa ku taxan malaayiin dad ah kuwaasoo ku kala nool daafaha aduunka si gaar ah Bariga Dhexe.

Mudaaharaadyadda oo bilowday dhamaadka 2017-kii ayaa ahaa caqabadii cusleyd ee dowladda Iran wajahdey tan iyo dibad-baxyadii Green Movement  ee 2009, waxaana jahwareerka soo idlaadey November sanadkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM