Ruushka iyo Sacuudi Carabiya oo kala saxiixday heshiisyo

Image
Image

RIYADH, Sacuudi Carabiya – Madaxweynaha waddanka Ruushka, Vladimir Putin, ayaa waxa uu Riyadh kula kulmay dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya, Maxamed bin Salman, Axada maanta ah.

Labadda hogaamiye ayaa waxay carabka ku adkeeyeen xoojinta iskaashiga labadda dowladood, sidda ay ku waranatay warbaahinta dowladda.

Bin Salman ayaa xusay in iskaashi ay labadda dal ka yeeshaan dhanka Tamarta ay daba u xaareyso xasilooni gobolka ka dhacda.

Putin ayaa aaminsan iskaashiga Ruushka iyo Sacuudiga uu xalinayo khilaafaadka iyo colaadaha ka aloolsan aduunka iyo gobolka.

Dhinacyadda ayaa isla soo qaadey xaalada Yemen, waxaana Bin Salman uu bogaadiyey taageerada Russia ee adkeynta wadajirka dalkaas.

Is-aragan ayaa qayb ka ahaa socdaalkii ugu horeeyay ee Putin ku tago Sacuudi Carabiya muddo 12-sano ah kadib, markii ugu horeysay.

Sidda uu sheegay Wasiirka Tamarta Sacuudiga, Amiir Abdulaziz bin Salman, 20 is-afgaradyo ayay kala saxiixdeen mas'uuliyiinta.

Qiimaha guud ee ku baxeysa heshiisyadda ayaa illaa iyo haatan waxaa nan loosoo bandhigin saxaafadda si ay u tax-liiliso.

Heshiisyadda ayaa, sidda ay labadda dhinac ku dhawaaqeen, ku saabsan iskaashi ay ka yeeshaan Tamarta, Hawada iyo Sirdoonka, waxaana lagu dhaqan-gelin doonaa sidda ugu dhaqsiyaha badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo shaacisay waqtiga la aasayo Ayatollah Ali Khamenei 100 maalin kadib dilkiisa

Waxayna inta dhexeyso 4-ta ilaa 9-ka Luulyo ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom, iyo Mashhad.

  • Caalamka

    13-06-2026

  • 12:43PM

Trump oo Ku Dhawaaqay Dhammaadka Dagaalka Iran, Israa’iil oo lagala tashan

Horumarkan ayaa imaanaya iyadoo toddobaadyadii la soo dhaafay ay jireen iska horimaadyo iyo xiisado sii kordhayay oo u dhexeeyay Mareykanka.

  • Caalamka

    12-06-2026

  • 12:20PM