Warbaahinta reer Galbeedka oo bilaabay shaqo joojin

Image
Tani ayaa waxay timid kadib markii madaxweyne Vladimir Putin uu saxiixay sharci adag.

NEW YORK, USA – CNN iyo Bloomberg News ayaa si ku meel gaar ah u joojin doona shaqadooda Ruushka, sida ku cad qoraalo kala duwan oo kasoo baxay labadan warbaahin.

Tani ayaa waxay timid kadib markii madaxweyne Vladimir Putin uu saxiixay sharci ku soo rogaya xabsi ilaa 15 sano ah dadka lagu eedeeyay inay faafiyeen "warar been abuur ah" oo ku saabsan dagaalka Ukraine.

"Isbeddelka xeerka dambiyada, oo u muuqda in loo dejiyay in wariye kasta oo madax-bannaan loo rogo dambiile kaliya urur ahaan, ayaa ka dhigaysa mid aan suurtagal ahayn in la sii wado wax u eg saxafiyiinta caadiga ah ee gudaha dalka," ayuu yiri Tifaftiraha Guud ee Bloomberg, John Micklethwait.

Afhayeen u hadlay CNN ayaa sheegay inay joojin doonaan baahintooda gudaha Ruushka "inta aan sii wadeyno qiimeynta xaaladda iyo tillaabooyinka xiga ee aan horay u sii soconno".

BBC-du waxay joojisay hawlihii ay ka qaban jirtay dalka horaantii Jimcihii.

Dhowr shabakadood - oo ay ku jiraan BBC Russia - lagama heli karo gudaha dalka. Sidoo kale, waxaa la mamnuucay ama xayiraad la saarey Facebook, Twitter iyo YouTube.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan oo ku heshiiyay in ay si wadajir ah isaga difaacaan weerar kasta

Sidoo kale, heshiisku wuxuu dhigaya in la ballaariyo iskaashiga dhinacyada difaaca, tababarrada ciidamada.

  • Caalamka

    07-08-2026

  • 12:14PM

Trump: In dagaalka Iran sii socdo waxaan ka doorbidayaa heshiis

Trump ayaa sheegay in saraakiisha Iran ay la soo xiriireen maamulkiisa ayna dalbadeen in la wada hadlo.

  • Caalamka

    06-08-2026

  • 07:11AM