Warbaahinta reer Galbeedka oo bilaabay shaqo joojin

Image
Tani ayaa waxay timid kadib markii madaxweyne Vladimir Putin uu saxiixay sharci adag.

NEW YORK, USA – CNN iyo Bloomberg News ayaa si ku meel gaar ah u joojin doona shaqadooda Ruushka, sida ku cad qoraalo kala duwan oo kasoo baxay labadan warbaahin.

Tani ayaa waxay timid kadib markii madaxweyne Vladimir Putin uu saxiixay sharci ku soo rogaya xabsi ilaa 15 sano ah dadka lagu eedeeyay inay faafiyeen "warar been abuur ah" oo ku saabsan dagaalka Ukraine.

"Isbeddelka xeerka dambiyada, oo u muuqda in loo dejiyay in wariye kasta oo madax-bannaan loo rogo dambiile kaliya urur ahaan, ayaa ka dhigaysa mid aan suurtagal ahayn in la sii wado wax u eg saxafiyiinta caadiga ah ee gudaha dalka," ayuu yiri Tifaftiraha Guud ee Bloomberg, John Micklethwait.

Afhayeen u hadlay CNN ayaa sheegay inay joojin doonaan baahintooda gudaha Ruushka "inta aan sii wadeyno qiimeynta xaaladda iyo tillaabooyinka xiga ee aan horay u sii soconno".

BBC-du waxay joojisay hawlihii ay ka qaban jirtay dalka horaantii Jimcihii.

Dhowr shabakadood - oo ay ku jiraan BBC Russia - lagama heli karo gudaha dalka. Sidoo kale, waxaa la mamnuucay ama xayiraad la saarey Facebook, Twitter iyo YouTube.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nepal: Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo is-casilay xilli ay socdaan rabshado xooggan

Bayaan kasoo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in milaterigu uu si buuxda ugu heellan yahay "difaaca madaxbannaanida dalka.

  • Caalamka

    09-09-2025

  • 12:51PM

Xuutiyiinta Yemen oo diyaarado drones ah ku weeraray Israel

Weerarkan ayaa muujinaya sida xiisadaha siyaasadeed ee gobolka ay u saameeyeen ammaanka Israel iyo wadamada deriska ah.

  • Caalamka

    08-09-2025

  • 12:57PM