Ruuxii dilka ugu hanjabay Ilhaan Cumar oo xukun lagu riday

Image

WASHINGTON, US – Maxkamad heer federaal ah ayaa lagu waramay in ay hal sano iyo maalin oo xabsi ah ku xukuntay Patrick W. Carlineo Jr.

Xukunsanaha ayaa bishii November ee sanadkii hore qirtay in uu dil ugu hanjabay Xildhibaanad Ilhaan Cumar, oo Soomaali-Ameerikaan ah.

Shaqsigan degan galbeedka magaalada New York ayaa qirashada sameeyay kadib markii uu Ilhaan la galay heshiis naxariisasho ah.

Ilhaan oo qoraal soo saartay ayaa codsatay in xukunkaas lagu riddo "maadaama xabsi dheer uu sii kordhinayo caradda iyo naceybka".

Garsoore Frank Geraci Jr ayaa Carlineo xukumay Khamiistii lasoo dhaafay, sidda ay warisay saxaafadda maxaliga ah ee Mareykanka.

Dacwadoogeyaasha ayaa sheegay in Patrick W. Carlineo uu soo wacay telefoonka xafiiska Ilhaan isla markaana uu hanjabaada sameeyay.

Sidda laga soo xigtay war-fidiyeenada, Carlineo ayaa taageero weyn u ah Donald Trump, oo ay madax isugula jira Ilhaan.

Sikastaba, Ilhaan Cumar ayaa noqotay haweenaydii ugu horeysay oo Soomaali ah isla markaana Muslim ee ku biirta Aqalka Sare ee Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM