​Ruuxii ka dambeeyay Qaraxii Uganada oo la ogaaday

Image

Maxkamad ku taallada waddanka Uganda nin horay u eedaysnaa ku heshay inuu ahaa qofkii soo maleegay qaraxii waddankaasi ka dhacay 2010, iyadoo sidoo kale baaritaan ku wadda 12 ruux oo kale.

Waxaa xusid mudan in billowgii dhagaysiga xukunkan saacado dib loo dhigay maanta kadib markii ay korontadu go'day.

Muddo lix sano ah oo baaritaan la waday ayaa maxkamadda sare ee dalka Uganda, waxay caddaysay in nink lagu magacaabo Cisa Axmed Luyima, uu ahaa ninkii soo agaasimay qaraxyadii ay kooxda Shabaab ku qaaday Kampala.

Xaakiimka maxkmadda,lfonso Owiny-Dollo, ayaa tilmaamay in raggani aan lagu tilmaami karin in ay ka tirsanaayeen urur argagxiso, maadama dawladda Uganda aysan u aqoonsanyn Al-Shabaab in ay tahay urur argagxiso sanaddii 2010-kii.

Waxaa sidoo kale baaritaan xooggan lagu hayaa ilaa 12 kale oo 5 kamid ah kasoo jeedaan Uganda, 5 u dhalatay Kenya iyo 2 asal kasoo jeeda Tansania, waxaana nimankaasi loo malaynayaa inay wax ka malleegeen arrintaasi.

Balse, eedaysanayaasha ayaa ku doodaya, in sirdoonka dalalka Britian iyo Maraykanka jirdileen, waxaase hadalkaasi gaashaanka ku dhufatay maxkmadda dastuuriga ah ee Uganda.

Ammaanka maxkmadda ayaa aad loo adkeeyay, waxaana hareeraha maxkamadda la dhoobay ciidamada aad u badan.

Dada kor u dhaafaya 70 qof oo daawanaysay cayaartii kama dambaysta ee Koobka Adduunka ayaa ku dhintay qaraxyadaasi oo mas'uuliyadooda sheegatay kooxda Shabaab, waxaana arrintaasi welwel ku abuurtay Somali badan oo dalkaas waxyaabo kala duwan u jooga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM